Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

  • Autor: Vários
  • Narrador: Vários
  • Editor: Podcast
  • Duración: 21:22:58
  • Mas informaciones

Informações:

Sinopsis

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison

Episodios

  • Wararka maanta iyo Sweden

    19/06/2025 Duración: 02min

    Booliska Stockholm oo ka digaya khamriga been abuurka fasaxa 'midsommar'. Soo jeedin in dadka qaba ADHD iyo Ootisimka loo fududeeyo liisanka darwalnimada. Xaafadda Biskopsgården oo haatan ka jira kooxo dembilayaal ah.

  • Wararka manta iyo Sweden

    18/06/2025 Duración: 02min

    Giriiga ayaa sheegay in ay Israaiil ka daad gureeyeen tiro dad Iswiidhish ah. Xukuumadda ayaa nus bilyan gelinaysa si loo dhimo safafka loo galo daryeelka caafimaadka. Dhaqaalihii lagu taageeray gobollada xilligii covid-19 oo la dhaliilay.

  • Wararka maanta iyo Sweden

    17/06/2025 Duración: 02min

    Tiradadadka booqda xarummaha gargaarka degdegga ah oo hoos u dhacay sannadkii hore. Isu socodkii tareenka ee magaalooyinka Sundsvall iyo Umeå oo curyaamay toddobaadkii hore dhamaadkiisii. Ciidammada difaaca oo la shaqeeyaya Telia iyo Ericsson.

  • Wararka maanta iyo Sweden

    16/06/2025 Duración: 02min

    Wasaaradda arrimaha dibadda Iswiidhen ayaa adkeynaysa talada socdaalka ee Israa'iil. Booliska oo soo saaray baaritaan ku aadan halka ay dembiyada dalka ka dhacaan. Laba shaqo joojin oo lagu dhawaaqay ayaa la baajiyay.

  • Wararka maanta iyo Sweden

    13/06/2025 Duración: 01min

    Qaxootiga Ukrain ka jooga Midowga Yurub oo sharciga loo kordhiyey Israaiil oo xirtay dhammaan safaaradaheeda Howlgal boolis la xiriira carruuraha dalka laga saarayo

  • Wararka maanta iyo Sweden

    12/06/2025 Duración: 02min

    Kristersson wuxuu ka qeybgalayaa shirka Bilderberg Northvolt oo shaqaale horleh dhimaysa Shaqo laaanta oo hoos u dhacday

  • Wararka maanta Raadiyaha Sweden

    11/06/2025 Duración: 01min

    Korontada ayaa mar kale maqan Mönldal. Wiil Swedish ayaa lagu xukumay xabsi dalka Denmark. Dadka taageersan ka mid ahaanshaha Nato ayaa batay.

  • Wararka Maanta Raadiyaha Sweden

    10/06/2025 Duración: 02min

    Qof dheeraad ah ayaa loo qabtay dilkii saddexda qof ee Uppsala. Nin ayaa lagu qabtay isagoo dhoofin rabay gabadh uu dhalay. Xukuumadda oo 100 bilyan oo koroon u qorshaysay in shirkadaha lagu taageero.

  • Wararka maanta iyo Sweden

    09/06/2025 Duración: 02min

    Dhowr qof oo loo qabtay qeylo-dhaan hub ka dhacday Östermalm darteed. Nooc cusub oo COVID-19 ah oo faafaya. Banaanbax weyn oo Qaza la xiriira oo ka dhacay Stockholm.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    05/06/2025 Duración: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Nin 45 jir ah oo lagu soo eedeeyay isku kicin. Hase yeeshee ay maxkamaddi sii deysay.Galdaloollada xaaqidda, nadaafaddarro iyo aqoonta shaqaalaha ayaa ka dambeysay sannadkii hore baahiddii waxyeello ee bakteeriyada VRE.Xukunno ka badan oo dhaadheer ayaa lagu qaadan kari doonaa qalabka elektrooniga ah ee lugta la isaga xiro ama deegaan la xakameeyey.

  • Wararka maanta Sweden

    04/06/2025 Duración: 01min

    Thailand oo iibsanaysa diyaarada dagaalka dalka Sweden. Pizzeria ayaa u isticmaalay mashiinka sibidhka in uu kuwalaaqdo suugada. Dadkii ku noolaa tuulada Mughayir al-Dayr ee daanta galbeed oo ka qaxay guryihii.

  • Wararka maanta Raadiyaha Iswiidhan

    03/06/2025 Duración: 02min

    Afar nin ayaa lagu soo oogay dilka fanaankii caanka ahaa C Gambino. Shaqo joojin ay sameeyn doonaan xubnaha ururka shaqaalahadegmooyinka, gaar ahaan shaqaalaha shirkadaha caafimaadka gaarka ah. Mushahaarka madaxda suuqyada saamiyada oo sarreeya.

  • Wararka maanta Raadiyaha Sweden

    02/06/2025 Duración: 01min

    Baaristii dilkii ka dhacay Örebro ee 10-ka qof toogashada lagu diley oo hoos loo dhigey. Tirrada aabbeyaasha daryeela ilma oo yaraatay illaa sanadkii 2006. Iibinta gawaarida cusub ayaa kor u kacday.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    30/05/2025 Duración: 01min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Wiil ayaa ku dhintay shil- darawlkii ayaa loo qabtay.Wiil 15 jir ah ayaa waxaa lagu soo oogay dacwad dil magaalada Norrköping.Tirrada shinnida ayaa yaraatay guud ahaan dalka Sweden iyo addunnka ba.

  • Wararka maanta ee Sweden

    28/05/2025 Duración: 02min

    Wakiilka cadaaladda oo dhaleeceeyn u soo jeediyay heyadda xafiiska shaqada. Guri ku yaalla Västerås oo qarax lala beegsaday. Dhallaan iyo qaangaar si sharci darro ah khasab loogu daryeello.

  • Wararka maanta iyo Sweden

    27/05/2025 Duración: 02min

    Wiil Iswiidhish ah oo rummaanka loo dhigay dil ka dhacay Denmark. Dugsi madax-bannaan oo takooray ilmo baahiyaha gaarka ah qaba. Lacagaha lagu helo haraaga gawaarida duugga ah oo la kordhiyay.

  • Wararka maanta iyo Sweden

    26/05/2025 Duración: 02min

    Nin iskuday dil sameeyay oo laqabtay -toddoba qofna dhaawacay. Saraynta adeega Swishka oo la iswaydiinayo kadib khalkhalkii ku yimid. Shirkada gawaarida ee Volvo ayaa shaqaale dhimis weyn samaynaysa -ilaa 3000 boos ayaa khadka laga saarayaa.

  • Wararka maanta iyo Sweden

    23/05/2025 Duración: 02min

    Booliska oo maanta gelinkii hore nin ku toogtay magaalada Uppsala. Tagsiilihii saddex qof ku jiiray magaalada Malmö talaadadii oo la sii daayay. 160 ardey oo iskuul ka dhigan jiray Haninge ayay dhici kartaa in sawiro aan habbooneyn laga qaadey.

  • Wararka maanta iyo Sweden

    22/05/2025 Duración: 03min

    Wiil 18 jir oo la codsaday in ruumaanka loo dhigo togashadii Örebro. Hay'adda SMHI oo soo saartay digniin ku saabsan baraf. Shimbir ka duushay Iswiidhen oo lagutuhmey basaasnimo dalka Itoobiya.

  • Wararka maanta iyo Sweden

    21/05/2025 Duración: 02min

    Haweeney dacwad lagu oogay kadib markii ay xad-gudub ku sameeysay carruur. Hal qof ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay guri ku yaalla magalaada Örebro. Nin muqaal ka duubay haweeney balakoon iska soo tuurtay oo halis ugu jira in xabsi lagu xukumo.

página 2 de 25